Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo WHO oo kawada hadlay Iskaashiga kahortagga Covid19

Published: August 22, 2021

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Drs Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’ada WHO.

Wasiiradda iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiiradda ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo isbitaalka Martiini gudahiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *