Midowga Musharixiinta oo qaadacay Habraaca doorasho ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka

Published: August 23, 2021

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qaadacay habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee kusaabsan hanaanka lagu maareynayo doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.

War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in habraaca doorashada uu baalmarsan yahay dastuurka iyo heshiiskii doorasho ee la gaaray 27 May ee kusaabsanaa in doorasho furan oo dadban ay dalka ka dhacdo.

Sida ay ku sheegeen Warsaxaafadeedka Midowga Mushàrixiinta ayaa tilaamay in Golaha Wadatashiga Qaran ay meelmarsadeen iskuday damac ay muddo ka hortaagnaayeen Madaxweyne Farmaajo xiliganna aysan suurtagal ahayn in ay ogaaladeen iskuday hore ay diideen.

Warsaxaafadeedka ayay ku dalbadeen in 135 Odayaasha dhaqanka ee beelaha ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Golaha

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *