Hantidhawrka guud oo shaqo joojin ku sameeyay Saraakiil katirsan Wasaaradda Waxbarashada

Published: August 24, 2021

Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyey saraakiil ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Dawladda Puntland.

Baaris hordhac ah ayaa hantidhawrka uu sheegay in ay muujinayso jiritaanka lunsasho iyo hanti dadweyne oo ay ku kaceen saraakiishan.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa gaaraya 4 xubnood waxaana ay kala yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Agaasime waaxeed Maamulka iyo Maaliyadda ,Xisaabiye iyo Madax qeybeed qaabilsanaa Maaliyadda.

Hadaba hoos ka akhriso amarka Maxkamadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *