Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Jubaland iyo kuxigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya

Published: August 24, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Anita Kiki Gbeho uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan doorashooyinka, waxaana intaa kadib laga wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *