Shir u dhaxeeya Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Muqdisho ka socda

Published: August 24, 2021

Shir u dhaxeeya Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka socda Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlayaa taageerada Beesha Caalamka ee arimaha Doorashooyinka sida helidda kaalmada dhaqaale ee Beesha Caalamka ee weli dhiman iyo sidoo kale xaqiijinta qoondada haweenka ee Doorashooyinka iyo qodobo kale.

Golaha Wadatashiga ayaa la wadaagay Wakiilada Beesha Caalamka sida ay u socoto howsha Doorashadda iyo muhiimada ay leedahay in la helo dhaqaalihii doorashada loogu talagalay ee aan weli lahelin taasoo ay horeynu balan qaadeen saaxiibada Soomaaliya

Shirka waxaa ku sugan oo ka qeybgalaya Wakiilada Dowladaha Reer Yurub,Mareykanka,Carabta, QM ,Midowga Yurub iyo dhamaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *