Aljeeriya oo xiriirka u jartay Marooko

Published: August 25, 2021

Dowlada Aljeeriya ayaa sheegtay in xiriirkii diblumaasi ay u jartay dalka ay jaarka yihiin ee Marooko oo ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah wadankaasi Aljeeriya.

Xiriirka labada wadan ee Carbeed ayaa ahaa mid xun muddo dheer, waxayna labada dowladooda isku heystaan dhulka (Galbeedka Sahara).

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Aljeeriya Ramdane Lamamra ayaa salaasii shalay shaaciyey in xiriirka la jaray isla shalay, walow uu sheegay inay sii furnaan doonaan Safaaradaha labada dowladooda.

Dhinaca dowlada Marooko ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka Aljeeriya.

Xukuumada Aljeeriya ayaa todobaadkii hore ku eedaysay dowlada Marooko inay gacan siiso kooxo argagaxiso ah oo khal khal ku haya amniga Aljeeriya, kooxdaasi oo lagu eedeeyey inay ka danbeysay dabkii la qabad siiyey dhulka kaymaha ah ee wadanka Aljeeriya oo uu khasaaro badan ka dhashay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *