Biden oo diiday codsigii G7 ee in dib loo dhigo ka bixitaanka Maraykanka ee Afghanistan

Published: August 25, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa diiday baaqii dalalka xulafada la ah oo codsaday in dib loo dhigo xiliga hogaamiyaha Maraykanka u qabtay ciidamadooda inay kala baxaan Afghanistan oo ku beegan 31 bishan Agoosto.

Shirkii Salaasadii shalay ee dhexmaray wadamada horumaray ee G7 ayaa diirada lagu saaray xaalada Afghanistan, waxayna inta badan dalalka reer Galbeedka ka codsadeen Maraykanka inuu dib u dhigo ka bixitaanka ciidamadooda hada ku sugan Madaarka caasimada Afghanistan ee Kabul.

Dalalka reer Galbeedka ayaa sheegay inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah in lagu dhameystiro daadgureynta dadka ajaanibta ah iyo muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkaasi ee weli ku xaniban dalka Afghanistan.

Sawir satellite Madaarka Kabul international airport oo muujinaya daadgureynta halkaasi ka socota.” (Satellite image ©2021 Maxar Technologies via AP)

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Madaarka Kabul oo ay hada maamulaan ayaa gaaraya 5.800 askari, kuwaasi oo uu Madaxweynaha Maraykanka sheegay inaan dib loo dhigi doonin kasoo bixitaankooda halkaas maalinta salaasada soo-socota ee 31ka Agoosto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *