Hantidhawrka guud ee Puntland oo xiray Akoonadii Wasaaradda Waxbarashada

Published: August 25, 2021

Hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa xiray dhammaan akoonnada Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay ku lahayd Bankiyada gaarka loo leeyahay iyo kan bankiga dhexe ee Dowladda.

Qoraal kasoo baxay Hantidhawrka guud ayaa lagu wargeliyay masuuliyiinta Bankiga dhexe iyo Bank-yada gaarka loo leeyahay in hakiyaan dhaq dhaqaaqa iyo lacag ka saarista akoonada ilaa amar dambe.

“Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhamaan Maamulayaasha Bankiyada iyo Agaasinka guud ee Bankiga dhexe ee dowladda in la joojiyay lacag ka saarista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland laga bilaabo maanta 25 August 2021”,ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hantidhawrka guud ee Puntland.

Hantidhawrka guud ee Puntland ayaa weli baaris ku wada Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland kuwaasoo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq iyo lunshasho hanti dadweyne.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *