Afghanistan: Maraykanka oo 12 askari looga dilay weerarkii Madaarka Kabul

Published: August 26, 2021

Weerarkii khamiistii gelinkii danbe ka dhacay Airportka caasimada Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 12 askari oo Maraykan ah halka ay ku dhaawacmeen 15 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Maraykanka.

Qarax xoogan ayaa ka dhacay mid kamid ah Irida laga galo Madaarka halkaasi oo dadka lagu baaro, waxaa la rumeysan yahay inuu ahaa weerar ismiidaamin. Qarax labaad ayaa ka dhacay wax yar kadib isla goobtaas meel aan ka fogeyn ee Hotel Baron oo kamid ah goobaha lagu aruurinayey dadka la doonayo in laga daadgureeyo goobtaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in weerarkan ay ka danbeyso kooxda ISIS ee Afghanistan oo iyadu kula jirta Maraykanka iyo kooxda Talibanka.

Khasaaraha soo gaaray shacabka reer Afghanistan ee goobtaasi ku sugnaa ayaa ah mid baaxadleh iyadoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah, balse xogta horudhaca ah ayaa sheegaysa inay ugu yaraan 60 qof halkaasi ku dhinteen, dhaawaca ayaa ka badan 100 ruux

Macada kooxda weerarkan fuliyey qaabka ay uga gudbeen jidgooyada Talibanka u taal wadooyinka soo gala Madaarka Kabul.

Khasaaraha Maraykanka weerarkan kasoo gaaray ayaa ah midkii ugu weynaa oo muddo sanad iyo bar ah, Maraykanka ayaa sheegay inay sii wadi donaan hawlaha daadgureynta iyagoo qorshahooda yahay in ay hawshaasi kusoo afjaraan 31ka bishan oo ku beegan salaasada soo socota.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *