Garoowe: Dad Ku Sumoobay Kiimiko !

Published: August 27, 2021

Guddoomiyaha ahna duqa caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa ka hadlay dad ku sumoobay kiimiko ku daadatay, laami ku yaalla bartamaha magaalada.

Gudoomiyaha oo dhacdadan ku shaaciyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inay seddex qof neeftu ku dhagtay kadib markii ay saamaysay kiimikada oo ka daadatay booyad nadaafada ah oo ay leedahay shirkada isbuunyada ee Tabaarak, dadkaas oo xaaladooda lagula tacaalayo cisbitaalka guud ee Garoowe.

Mid kamid ah dadkii ku sumoobay kiimikada

” Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay ciidanka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta kusoo dhigay. Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey.” ayuu yiri guddoomiye Axmed.

Wuxuuna intaasi sii raaciyey…

” Sadex qof oo neeftu ku adagtahay oo la geeyey Isbitaalka Guud kuwaasoo xaalkoodu kasoo raynayo. Waxaana ugu liita Askeri ka tirsan ciidanka Booliska oo ka mid ahaa ciidankii gurmadka ku tegey, kasoo hadda Oxygen ku xiran tahay. Allaha Garab-galo geesiyaasha naftooda har iyo habeen inoo hura.” sidaas waxaa qoray guddoomiye Axmed.

Booyada kiimikadu ka daadatay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *