Wasiir Cabdulaahi: “20 sano ayaan dhisaynay waxbarashada Puntland, ma doonayno inuu dhaawac soo gaaro”

Published: August 27, 2021

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ku eedeeyay hanti-dhowrka Puntland inuu ka degdeg ka muuqdo warbixin ay dhawaan soo saareen oo ay shaqada kaga joojiyeen masuuliyiin katirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiirayaa sheegay in Hanti-dhawrka Puntland aysan waddo sax ah u marin xannibidda Akoonada Wasaaradda iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

“20 sano ayaan soo dhisaynay waxbarashada Puntland, ma doonayno inuu dhaawac soo gaaro. Dowladda lafteeda waxaa laga rabaa in ay ilaaliso anshaxa baarista iyo nidaamka dowladnimada,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Talaadadii lasoo dhaafay oo ku beegnayd 24kii bishan Ogosto ayey ahayd markii hantidhowrka guud ee Puntland shaqo joojin ku sameeyey saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland, isla markaana baaritaan ku bilaabeen akoonada wasaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *