Garowe: Suuqa weyn ee Injida oo maanta xiran

Published: August 28, 2021

waxaa maanta xiran suuqa weyn ee Inji ee magaalada Garoowe kadib amar kasoo baxay Dowladda hoose ee magaalada Garoowe.

Duqa magaalada Garoowe Axmed Muuuse ayaa amray in aan la furi karin suuqa inta la laga nadiifinayo sunta halkaasi oo shalay booyad ay kaga daadatay walxo kiimiko warshadeed ah.

Axmed Barre Duqa magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa sheegay in la nadiifin doono suuqa gaar ahaan goobta ay sunta Kiimikada ku daadatay oo ah laami istaraatiiji ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa shan qof ayaa waxyeello ay ka soo gaartay sunta daadatay kuwaasoo haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *