Tirada dadka uu soo ritay Xanuunka Covid19 oo kordhay gudaha dalka

Published: August 29, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 194 xaalado cusub oo COVID-19 ah 72-kii saac ee la soo dhaafay, 15 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 74 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (65), Puntland (60), Somaliland (29), Galmudug (21), Jubbaland (18), iyo Koonfur Galbeed (1) qof, 95 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 99-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,210 waxaa bogsootay 8,286 Ruux. guud ahaan 953 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *