Afghanistan: Duqeyn lala beegsaday Madaarka Kabul

Published: August 30, 2021

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay nawaaxiga Kabul Airport arooryadii hore saaka oo isniin ah weerarkan oo la rumeysan yahay inay ka danbeysay kooxda ISIS, kuwaasi oo horey weerar ismiidaamin ah asbuucii hore ulla beegsaday Madaarka Caasimada Afghanistan.

Ciidamada Maraykanka ee gacanta ku haya Madaarka ayaa sheegay inay inta badan gantaalada lagu soo tuuray Madaarka ay burburiyeen hubka lidka gantaalada ee halkaasi lagu illaaliyo.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey kooxda ISIS weerar ismiidaamin ah ku dishay in ka badan 180 qof oo ku sugnaa madaarka Kabul oo ay ku jiraan 13 askari oo Maraykan ah.

Dhinaca kale Ciidamada Maraykanka ayaa xalay sidoo kale duqeeyey gaari la sheegay inuu siday Bambaano oo kusii jeeday Madaarka, duqeyntan oo ay Maraykanka u adeegsadeen diyaaradaha drone-ka ayaa keenay khasaaro baaxadleh kadib markii qaraxyadaasi ay galaafteen dad shacab ah oo ka ag dhawaa gaarigaasi, lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa la sheegay inay goobtaasi ku dhinteen.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey Maraykanka duqeyn kale la beegsadeen gobalada bari ee dalkaasi Afghanistaan xarumo ay ku leeyihiin kooxda ISIS, duqeyntaasi oo jawaab u ahayd weerarkii Khamiistii ka dhacay Madaarka Kabul.

Maraykanka ayaa qorsheenaya in maalinta beri ah ee 31ka Agoosto ay gebi ahaan ka baxaan Airportka magaalada Kabul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *