Guddiga TPEC Oo Sheegay Inaan Dib Loo Dhigayn Doorashada Qof Iyo Cod Ee Puntland

Published: August 30, 2021

Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, oo maanta kulan la yeeshay ururada siyaasadda, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn wakhtiga doorashada hordhaca ee golayaasha degaanka Eyl Qardho iyo Ufayn.

“Uma joojin karno oo uma xannibi karno doorasho uusan waqtigeediiba caddeyn. Waxaan aaminsannahay in aanu jirin isku dhac weyn oo labada doorasho haddii ay is-dulfuulaan ka dhalankara,” ayuu yiri guddoomiyaha TPEC.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland oo qorshuhu yahay in la qabto 25/Oct/2021 ayey ururrada siyaasadu sheegeen inay ka cabanayaan dhaqaale xumo iyo saameynta doorashada federaalku ku yeelan karto tan Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *