PDRC: Baaqa Urur Siyaasadeedyada waxa ay dhaawacaysaa kalsoonidii iyo himiladii dadka reer Puntland

Published: August 30, 2021

Hey’adda Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa ka hortimid dalab kasoo yeeray urur-siyaasadeedyada Puntland kaasoo ku saabsan in dib loo dhigo doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Warsxafaadeed kasoo baxay PDRC ayaa u qornaa sidatan:-

“Xarunta PDRC oo muddo dheer ka soo shaqaynaysay, saldhigna u ahayd arrimaha Dawlad-dhiska, Nabadaynta iyo Dimoqraadiyeynta waxa ay si aad ah uga xun tahay baaqii ay soo saareen Ururrada Siyaasadda Puntland badankoodu 29.8.2021 ee ahaa in la hakiyo oo dib loo dhigo doorashooyinka 3-da Degmo ee Hordhaca ah ee Eyl, Ufeyn iyo Qardho ee ku muddaysan 25.10.2021”.

“Waxay PDRC u aragtaa in tallaabadaasi dhaawici karto kalsoonidii iyo himiladii dadka reer Puntland ku taamayeen 23-kii sano ee la soo dhaafay iyo taageeradii Beesha Caalamka ee hannaanka Dimoqraadiyeynta labadaba. Sidaa daraadeed, PDRC waxay ugu baaqaysaa ururrada siyaasadda Puntland inay tixgeliyaan rabitaanka iyo himilada shacabka oo ka qayb qaataan doorashooyinka hordhaca ah ee 3-da Degmo ee 25 Oktoobar dhacaya. Wixii cabasho, gaabis iyo is-dhaliil ah waa in lagu dhex saxaa hannaanka doorashadu inta uu socdo. Waxaan kaloo ugu baaqaynnaa Dawladda Puntland inay hormuud ka noqoto hirgelinta hannaanka dimoqraadiyeynta, kana dhabayso ballan-qaadkeedii tognaa iyo dhamaystirka shaqada fiican ee socota,”

“PDRC waxay bogaadinaysaa shaqada wacan ee uu ilaa hadda qabtay Guddiga Ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland [TPEC],”

“PDRC Waxay kale oo ay bogaadinaysaa taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamku mar walba la garab joogto hannaankan, waxaanna ugu baaqaynaa inay taageeradaas sii wadaan inta geeddi-socodka Dimoqraadiyeyntu socdo,”

“Xarunta PDRC mar walba waxay diyaar u tahay inay cod iyo u-qareemis u samayso hannaanka Dawlad-dhiska, Naabadaynta iyo Dimoqraadiyeynta Puntland,”

Dhinaca kale Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee Punsaa ayaa sidoo kale ka horyimid dalabka Urur Siyaasadeedyada ee kusaabsan dib u dhigidda Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan degmooyinka Qardho,Ufeyn iyo Eyl.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *