Galmudug: ” Waxaan qaadi doonaa dagaal rogaan celin ah oo ka dhan ah Al-shabaab”

Published: August 31, 2021

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir Guddoomiyey shirka amniga ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Shirkan oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, Booliska, Nabadsugida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa diirada lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo Howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado Al-shabaab.

“Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan soo socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan Alshabaab “ ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xili loo baahna garab istaagtay Galmudug, waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Al Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *