Maamulka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Xidhibaano La Weeraray

Published: September 4, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee xalay lagu dhaawacay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa weerarka lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaanada Maamulka ku tilmaamay inuu yahay mid Argagaxisinimo ah, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay saddex Xildhibaan oo ku dhaawacmay weerarkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ayaa waxaa uu Hay’addaha Maamulka Hirshabeelle ku faray inay qaadaan tallaaboyin deg deg oo lagu xakameynayo amni darrada, ayna gacanta kusoo dhigaan dadkii dambeeyay weerarkii Jowhar.

“Waxaan Hay’adaha Amniga Farayaa iney qaadaan talaaboyin deg deg oo lagu xakameynayo falalka argagaxida geysanayaan, sidoo kalena waxaan Hay’adaha amniga ku boorinayaa iney Gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka Argagaxisada ah ee lagu qaaday xildhibaanada”ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo ka hadlaayay weerarka oo mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa xalay lagu qaaday Guri ay Magaalada Jowhar ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ku dhaawacmay Saddex Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Aadan Barre Maxamed Muuse, Cismaan Cabdullaahi Dhoore iyo Duwane Faarax Cali.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *