Afghanistan: Talibanka oo sheegay inay qabsadeen deegaanka Panjshir

Published: September 6, 2021

Dooxada Panjshir ee Waqooyi-Bari dalkaasi Afghanistan ayaa ahaa goobta kaliya oo aysan u suurto gelin Talibanka inay qabsadaan, dhulkaasi oo ay ku badan yihiin qawmiyada Tajiika.

Talibanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay duulaan xoogan ku waday dhulkaasi buuraleyda ah oo ay jiha walba ka weerareen, waxayna sheegeen inay gebi ahaan la wareegeen dhulkaasi.

Balse xoogaga ka dagaalamaya deegaankaasi ayaa beeniyey warka kasoo baxay Talibanka.

Gobalka Panjshir ayaa dhul ka kooban buuraley iyo dooxooyin ay adag tahay in si fudud gacanta loogu dhigo, waxaana horey ugu fashilay dhulkaasi inay qabsadaan Dowladii Sofiyeetka dagaalkii sideetamaadkii, sidoo kale Talibanka ayaan dhulkaasi qabsan xiligii ay dalkaasi ka talinayeen.

Xoogaga ka dagaalamaya deegaankaasi ayaa waxaa hogaamiyaha Ahmed Massoud oo uu dhalay hogaamiyihii hore ee Shah Massoud oo kamid ahaan jiray Mujaahidiintii la dagaalamay Sofiyeetka iyo Talibanka kaasi oo lagu dilay weerar ismiidaamina ah 9kii September 2001 sadex maalin kahor weerarkii 911, dilkaasi oo ay ka danbeysay Al Qacida oo xiligaas xulafo la ahayd Talibanka.

Waxaa sidoo kale kamid ah ragga dhulkaasi weli ku sugan Madaxweyne kuxigeenkii xukumadii la riday Amrullah Saleh oo isagu sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Talibanka, wuxuuna ku dooday inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee dalkaasi kadib markii uu baxsaday Madaxweynihiisii Ashraf Ghani.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *