Inqilaabkii Guinea iyo ECOWAS oo cunaqabateyn ku hanjabtay!

Published: September 6, 2021

Ciidamada gaarka ah ee militariga dalka Guinea oo Axaddii shalay inqilaab xilka uga tuuray Madaxweynihii dalkaasi Alpha Conde ayaa sheegay inay dhisi doonaan dowlad loo dhan yahay.

Qeybo kamid ah dalka Guinea ayaa shalay iyo xalay looga debaaldagay tilaabada ay ku dhaqaaqeen ciidamada iyadoo horey dalkaasi uga jirtay xiisad la xariirta natiijadii doorashadii sanadkii lasoo dhaafay ee dib loogu doortay Madaxweyne Alpha Conde.

Alpha Conde ayaa markii sadexaad u tartamay doorashadii sanadkii hore isagoona bedalay dastuurka dalkaasi oo u ogolaanayey inuu tartamo 2 mar oo kaliya, tilaabadaasi lagu bedalay dastuurka iyo dib u doorashadii Conde ayey diidanaayeen mucaaridka iyo bulshada rayidka.

Sidoo kale dalalka jaarka la ah wadankaasi sida Senegal ayaa xiray xaduuda ay wadankaasi la wadagaan. Madaxweyne Conde oo aan xiriir wanaagsan la lahayn reer Galbeedka ayaa muddooyinkii danbe dadaal ugu jiray inuu taageero ka helo Ruushka.

Waxaa muddooyinkii danbe hoos usoo dhacayey taageerada Madaxweynaha arrintan oo ay ka faa’iideysteen ciidamada gaarka ah ee loo tababaray ka hortaga argagaxisada.

Ciidamadan khaaska ah ayaa waxaa hogaamiyaha Col.Mamadi Doumbouya oo ay horey usoo tababareen Faransiiska iyo Maraykanka, kaasi oo sheegay in tilaabadan inqilaabka ay ku badbaadinayaan waddankooda.

Hase yeeshee Inqilaabkan waxaa cambaareeyey urur gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS oo sheegay inay cunaqabateyn saari doonaan, walow ay ciidamada awooda la wareegay u muuqdaan inay hada heystaan taageeradda inta badan shacabka.

Waa inqilaabkii 3aad oo sanadkan 2021 ka dhacan dal Galbeedka Afrika ah iyadoo horey sidan awooda kula wareegeen militariga dalalka Mali iyo Chad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *