Beesha Caalamka oo war-Saxaafadeed ka soo saartay xiisada doorashooyinka Soomaaliya

Published: September 7, 2021

Saaxiibadda beesha Caalamka waxaa ay ugu baaqayaan madaxda kala duwan ee Qaranka inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan arimaha doorashada si aan dib u dhac ugu imaan doorashada.

“Saaxiibadda Caalamiga ah ee Soomaaliya waxaa ay ka walaacsan yihiin in kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu abuuri karo arrimo saameyn ku yeelan kara Siyaasadda Dalka iyo hannaanka doorashadda”

Dhanka kale beesha caalamka ayaa waxaa ay soo jeediyeen in Kiiska Ikraan Tahliil lagu sameeyo baaritaan lagu kalsoonaan karo.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen inay bogaadinayaan hoggaaminta suuban ee Ra’iisal Wasaare Rooble iyo tallaabooyinka uu ka qaaday socodsiinta arimaha doorashada iyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Waxaan garwaaqsan nahay horumarka illaa hadda ay qaareen Golaha wadatashiga qaranka ee uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *