Puntland oo taageertay go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble

Published: September 7, 2021

Xukuumadda Puntland ayaa taageertay go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble shaqada kaga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa u qornaa sidan:-

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *