Rooble oo ka qeyb galay xafladii heshiiskii Doorashooyinka goballada Waqooyi

Published: September 7, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamusayay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka gobollada woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay heshiiska ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Aqalka Sare e BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhammaan siyaasiyiinta gobollada woqooyi kaalinta ay ka qaateen in heshiiskan la gaaro.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo dadka ka soo jeeda gobollada woqooyi ee Somaliland u qabsan lahaayeen doorasho madax bannaan oo ay xor yihiin, ka maran faragelin, uuna  diyaar u yahay in uu ka hor wareejiyo wax kasta oo caqabad ah,

Waxa uu kula dardaarmay siyaasiyiinta gobollada woqooyi in ay sameystaan habraacyo ay heshiis ku yihiin, si looga fogaado mustaqbalka khilaaf soo noqnoqda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *