Afghanistan: Xukuumada Talibanka iyo Awood qeybsiga Kooxaha loolanka ka dhaxeeyo

Published: September 8, 2021

Kooxda Talibanka ee la wareegtay awooda dalka Afghanistan ayaa Salaasadii ku dhawaaqay Xukuumada kumeel gaarka ah, xubnaha la magacaabay ayaa dhamaantood ka tirsan hogaamiyayaashii Talibanka ee kala matelaya kooxaha loolanka ka dhaxeeyo.

Xukuumadan ayaa noqon midii ay balanqaadeen Talibanka oo horey u sheegay inay soo dhisi doonaan Dowlad loo dhan yahay oo ay ku jiraan siyaasiyiintii iyaga kasoo horjeeday. Hase yeeshee Talibanka ayaa ku doodaya in maamulkan uu yahay Kumeel Gaar si wakhti loo siiyo wadahadalada ay la geli doonaan siyaasiyiinta kale waa sida ay ku doodayaanee.

Xubnaha lasoo magacaabay oo si toos ah u hoos tagaya Amiirka Talibanka ayaa u muuqda in lagu raali gelinayo kooxaha kawada tirsan Talibanka oo dhexdooda loolan xoogan ugu jiray inay xubno ku yeeshaan xukuumada, waxaana ugu muhiimsan hogaamiyayaasha loo dhisay Wasaarada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Difaaca ayaa loo magacaabay Wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee Talibanka Mullah Omar oo lagu magacaabo Mullah Maxamed Yacquub oo ay isaga ka amar qaataan inta badan maleeshiyaadka ka dagaalamayey dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Sirajuddin Haqqani oo hogaamin jiray kooxda Haqqani ee talibanka ka tirsan isla markaana xiriirka dhaw la lahaan jiray Al Qacida, wuxuuna kamid yahay xubnaha weli loo aqoonsan yahay argagaxisada. Qoyska Haqqani ayaa sidoo kale xilka kuxigeenka ka haya Al Qacida ayaa la sheegaa inay xiriir dhaw la leeyihiin sirdoonka Pakistan.

Raysalwasaaraha ayaa loo magacaabay Mullah Maxamed Xasan Akhund wuxuu horey usoo ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Dibada ee dowladii Talibanka ee 90aadkii, wuxuuna sidoo kale ku jiraa listiga cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.

Raysalwasaare kuxigeenka ayaa loo magacaabay Abdul Ghani Baradar oo ahaa ninkii kooxda Talibanka u saxiixay heshiiskii ay la galeen Maraykanka sanadkii hore 2020.

Baradar ayaa muddoyinkii danbe ku noolaa dalka Qatar, wuxuuna hogaaminayey wadahadaladii ka socday Doxa.

Xubnaha kale ee la magacaabay oo ay ku jiraan Madaxda Maaliyada, Sirdoonka, Waxbarashada iyo Arrimaha Dibada ayaa ah xubnihii Talibanka garabka siyaasada ee fadhigooda ahaa Doxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *