Farmaajo : “Xilka qaadista Wasiir Xundubey maaha mid waafaqsan Dastuurka”

Published: September 8, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hor yimi xilka qaadista uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ku sameeyay Wasiirkii Amniga Xasan Xundubey Jimcaale.

Hoos ka akhriso Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Bahda Horseed Waan Salaamayaa.

    Farmaajow, xaaladda hadda taagan ma aha mid dastuurka qabyo-qoraalka loo cuskan karo, sababo dhowr ah aawadood.

    Haddii aad dalkan iyo dadkiisa daacad u ahaan lahayd, hawshii ugu horreysay ee uguna muhiimsanayd ee aad fulinteeda markiiba gudagali lahayd waa dhammeystirka dastuurka aad qabyada ugu timid.

    Sidaas oo tahayna, marka xataa isla kan qabyo-qoraalka ah la idiin la tiigsado, adiga iyo Rooble iyo xukuumaddiina ayaan sax ahayn oo in markii ay igmashadiinnii idlaatay si xarago iyo sharaf leh meesha uga dareertaan waajibkiinnu ahaa.

    Dastuur qaran oo uu madaxweyne aan igmasho rasmi ah lahayn habka “la jiifiyaana bannaan” u adeegsado, marka ay xaajo ku qalloocsantahay, waa shuqul afrikaanka ay qaaradda madow inbadan eedday oo annagana maanta daraygaas nadhigay.

    Dalkani jiil cusub iyo maskaxyo ugub ah ee aan kacaankii wax kusoo lahaanin oo lana wadaagin ayuu hadda baahi xun oo degdeg ah u qabaa. Qawsaarro haraaddig ah oo marba suudh cusub inoo soo labbista way ina daashatay ee gees inoo dhaafa kulligiin. You are all recycled garbage to us.