Gaari uu la socday Wasiirka Cadaaladda Puntland oo Qallibmay

Published: September 8, 2021

Gaari nooca raaxada ah oo uu la socday Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheekh Xaamud ayaa ku qallibmay miyiga gobolka Nugaal xili uu socdaal ku marayay halkaasi.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah ilaalada la socday Wasiirka, ma jiro khasaare kale oo ka dhashay gaariga qalibmay.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu soo waramayaa in uu bad qabo oo aanay jirin wax dhaawac ah oo kasoo gaaray shilka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *