Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay liiska Musharixiinta Aqalka Sare

Published: September 8, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray liiska musharixiinta aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ka soo galaya Maamulka Hirshabeelle.

Liiska musharixiinta uu shaaciyay Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa ay ku tartami doonaan 8-da kursi ee Senetarada Hirshabeelle ku matalaya Aqalka Sare.

Kursiga ugu horeeya ee Aqalka Sare oo uu afartii sano ee ugu dambeysay ku fadhiyay Senetar Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa kula tartami doona ilaa afar musharax, wuxuuna noqonayaa kan ugu adag ee yaalla Jowhar.

Hadaba hoos ka akhriso liiska Musharixiinta

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *