Madaxweyne Deni oo siweyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Published: September 8, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybagalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Galmudug iyo Puntland, Saraakiisha laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshaweynta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu xarigga ka jaro Garoonka Ciyaaraha ee Cawaale Stadium oo dib u dhis balaaran lagu sameeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *