Ra’iisul Wasaare Rooble oo Wasaaradda Amniga u magaacabay wasiir cusub

Published: September 8, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha isagoona xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee xilka hayay Xasan Xundubey.

Wasiirka la magacaabay Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wakhtigooda ka dhamaaday ,waxaana uu kamid yahay siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan Madaxweyne Farmaajo.

Magacaabista Wasiirkan cusub ayaa imaanaysa iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu soo shaac baxay war la xiriira in Ra’iisul Wasaare Rooble uu isbadal ku sameynayo Golihiisa Wasiirada isla markaana uu magacaabayo Wasiiro cusub iyadoo marba marka ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *