Wakiilada Beesha Caalamka iyo Rooble oo wadahadal yeeshay

Published: September 8, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka xili uu taagan yahay khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Farmaajo.

Sida uu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Waaaaraha Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

“Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Somaliland.

“Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan”.

ayaa intaasi loogu sii daray Qoraal kasoo baxay xafiiska Rw rooble.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in mar kale uu ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuhu arrintaas isku aragti ka noqdaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *