Afghanistan: Raysalwasaaraha Taliban oo ugu baaqay Shaqaalihii dowlada inay soo shaqo tagaan

Published: September 9, 2021

Raysalwasaaraha xukuumada ay Talibanka uga dhawaaqeen dalka Afghanistan ayaa ugu baaqay dhamaan shaqaalihii dowlada ee dalkaasi ka qaxay inay wadankooda dib ugu soo noqdaan.

Mullah Hasan Akhnud ayaa sheegay in Dowladiisa ay ka shaqeenayso sidii dalka Afghanistan uga soo kaban lahaa dagaalkii dheeraa ee wadankaa ka socday, wuxuuna balanqaaday in cafis loo fidin doono dhamaan shaqaalihii lasoo shaqeeyey dowladihii hore iyo ciidamada shisheeye.

Dowlada cusub ee Afghanistan oo ay Talibanka dhiseen ayaa wajahaysa dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso inay helaan aqoonsi caalami ah iyo dhaqaalihii dalkaasi oo la xayiray kadib markii ay dhacday dowladii hore.

Talibanka oo horey u balanqaaday in dowlad loo dhan yahay dhisi doonaan ayaa ku dhawaaqay xukuumad kumeel gaar ah oo ka kooban dhamaan xubnihii horey uga tirsanaa Talibanka, waxaana la sheegay in xukuumada aysan u dhameyn qawmiyadaha kuwada nool dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *