ECOWAS oo codsatay in lasii daayo Madaxweynihii Guinea

Published: September 9, 2021

Urur Gobaleedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa ugu baaqay militariga inqilaabay xukuumadii Guinea inay si deg deg ah kusii daayaan Madaxweynihii ay afgembiyeen Alpha Conde.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in dalka Guinea ay soo gaaraan wafdi ka socda urur Gobaleedka ECOWAS oo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan militariga Guinea.

Kulan deg deg ah oo ay shalay yeesheen dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa dalka Guinea si kumeel gaar ah looga joojiyey xubinimadii ururkaasi, walow aysan jirin cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay dalkaasi. ECOWAS ayaa horey cunaqabateyn u saartay wadanka Mali oo si lamid ah Guinea uga dhacay inqilaab militari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *