Ethiopia: Tigreyga oo lagu eedeeyey xasuuqa 120 qof Amhara ah

Published: September 9, 2021

Dowlada Itoobiya ayaa ku eedaysay ciidamada Tigreyga inay deegaanka Dabat ee ismaamulka Amharada ku xasuuqeen ugu yaraan 120 qof oo rayid ah.

Xasuuqan ayaa yimid kadib markii ay deegaankaasi isaga baxeen ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Amharada.

Balse warka kasoo baxay dhinaca dowlada iyo Amharada ayaa waxaa beeniyey Tigreyga oo iska fogeeyey inay geysteen wax xasuuq ah.

Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya oo hada socda muddo ka badan 10 bilood iyadoo dagaalkan ka bilowday ismaamulka Tigreyga uu hada sidoo kale ka socdo ismaamulada Amharada iyo Cafarta oo ay gudaha u galeen xoogaga Tigreyga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *