Rooble oo ka qeybgalay dhaarinta Wasiirka uu u magacaabay Wasaaradda Amniga

Published: September 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay magacaabay.

Dhaarinta Wasiirka uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta.

Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay Cabdulaahi maxamed Niur wasiirka cusub iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Rooble kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha loo igmaday.

Wasiirkan la dhaariyay ayaa magacaabistiisa uu horey u qaadacay Madaxweyne Farmaajo ,lamana oga in uu howlihiisa si lamid ah wasiirada kale u qaban doono maadama lagu muransan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *