Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo walaac ka muujiyay khilaafka madaxda ugu sareysa DF

Published: September 9, 2021

Isutagga Urrurada Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka sii cakirmaya ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa Madaxda ugu sareysa dalka loogu baaqay in wadahadal ku dhisan masuuliyad Qaran ay xal uga gaaraan khilaafka jira.

Bulshada rayidka waxa ay ka digeysaa in laga waantoobo aragtida danaha gaarka ee siyaasiyiinta oo sii hurin kara khilaafka siyaasadeed iyo in si khaldan loo isticmaalo
awoodaha sharciga dowladnimo waxa ayna madaxda dalka u soo jeedineysa in wadahadal ku
dhisan mas’uuliyad qaran ay xal uga gaaran khilaafka siyaasadeed

ayaa lagu yiri” Qoraalka Urrurada Bulshada rayidka.

Qoraalka kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka oo aad u dheer ayaa waxaa loogu baaqay duubabka Soomaliyeed, odayaasha dhaqanka,culumo u diinka, waxgaradka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed in ay u istaagan sidii loo heli lahaa xal dhab ah oo lagu xaqiijinayo dhameystirka khilaafka siyaasadeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *