Wasiir Xundubey: “Ra’iisul Wasaare Rooble Wadanka ayuu qalalaase gelinayaa

Published: September 9, 2021

Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa Wasiirka Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble.

Wasiir Xundubey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sharciyad aysan ku fadhin xilka qaadista uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay jagadii Wasiirnimo uu hayayna uu u magacaabay Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur.

Waxaan ku ballanay Ra’iisul Wasaaraha inaan wada shaqeyno isagana wuxuu dhammaan golaha wasiirada faray inaysan xil ka qaadi karin agaasime yaasha wasaaradaha inta xilligaan kala-guurka ah lagu jiro, marka siduu iiga qaadaa haddiiba annaga aan fullinay wixii la isku ogaa?”

ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Waxa uu sheegay in talaabooyinka isxigxiga ee uu qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble uu wadanka u gelinayo qalalaase iyo nidaam baalmarsan hanaanka dowladnimo sida uu hadalka u dhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *