Qatar oo daadgureysay dad ku xanibnaa Kabul, Afghanistan

Published: September 10, 2021

Magaalada Doha ayey gaareen in ka badan 100 qof oo u badan qoysas heysta dhalashada dalal kala duwan kuwaasi oo ku xanibnaa caasimada Afghanistan ee Kabul.

Duulimaadkan oo ah kii ugu horeeyey oo caalami ah oo kasoo baxa magaalada Kabul ayaa yimid kadib markii Qatar gacan kasiisay Talibanka in dib loo furo madaadkra Kabul oo uu burbur soo gaaray.

Saraakiil amni iyo kuwa socdaalka oo ka socda Qatar ayaa hada gacanta ku haya Madaarka Kabul, kuwaasi oo dib u shaqo geliyey towerka diyaaradaha laga hago iyo Terminalka.

Magaalada Kabul ayey sidoo kale gaareen duulimaadyo deeq raashin ah geeyey halkaasi, xili Qaramada Midoobay ay ka digeyso hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi iyo cunto yarida ka jirta magaalooyinka waaweyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *