Wadahadal u furmay Maraykanka iyo China

Published: September 10, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Xi Jinping khadka telefonka kula hadlay, xiriirkan oo ah kii ugu horeeyey oo muddo 7 bilood ah dhexmara labada hogaamiye iyadoo labada dowladooda xiriirka u dhaxeeya sii xumaanayey muddooyinkii danbe.

Xiriirka Maraykanka iyo China ayaa ahaa sanadihii ugu danbeeyey mid ay hareeyeen xiisadaha ka dhashay cudurka Covid, dhaq dhaqaaqyada miliari ee Shiinaha ka wado qaarada Aasiya iyo dagaalka dhanka ganacsiga ee u dhaxeeya laba dal.

Wadahadalkan cusub ee u bilowday labada dhinac ayaa ah mid ay codsatay xukuumada Maraykanka oo dooneysay inay dib u hagaajiso xiriirka labada wadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *