RW Rooble oo Awaamiir adag dul-dhigay Wasaaradda Maaliyadda

Published: September 12, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa awaamiir adag dul dhigay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda kuwaasoo oo la xiriira hanaanka kharash bixinta.

Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa kale oo uu amar ku bixiyay in mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha, saadka, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maanka ah ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay RW oo dhameystiran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *