Farmaajo Oo Guddi Baaritaan U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil

Published: September 13, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Maxamed farmaajo ayaa magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan ku sameyeeya Kiiskii Marxuumad Ikraan Tahliil faarax.

Guddiga uu Magacaabay farmaajo ayaa waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sid” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Villa Somalia.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *