Madaxweyne Laftagareen Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo

Published: September 13, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib waan-waan uu qayb ka ahaa oo maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho, taas oo lagu xalinayey khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysalwasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka labada masuul aad u kacsanaa, balse dadaalada dib u heshiista ayaa u muuqda natiijo la’aan.

Waan-waanta oo maalmihii u dambeeyay socotay ayaa waxa hormuud ka ahaa madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalayay in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *