RW Rooble Oo La Shiray Madaxda Maaliyadda Dalka

Published: September 13, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha dalka u qaabilsan maaliyadda sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu kulan la qaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

” Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta Mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dar-dargelinta howlaha deyn Cafinta.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *