Dowlada Jabuuti Oo Ka Hadashay Xaaladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Published: September 14, 2021

Dowlada Jabuuti ayaa ka hadashay xaaladda caafimaad ee madaxweynaha dalkaasi ee Ismaaciil Cumar Geelle, kadib war baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegayey inuu xanuunsan yahay.

Qoraal uu bartiisa twitter-ka ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Mahamoud Ali Youssouf, ayaa waxa uu ku beeniyay wararka sheegaya inay xun tahay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay, Dhammaan wararka la faafiyay ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog wuuna caafimaad qabaa madaxweynaha kaliya waxa uu maraya jakin caafimaad maadama uusan dalka ka bixin xagaagii lasoo dhaafay, hadana uu ku jiro xaalad nasasho ah” Ayuu yiri wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiir Maxamuud ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigan uu dareemayo kaliya xaalad nasasho la’aan ah, islamarkaana uu dhawaan soo shaqo gali doono.

“Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jirto walwal gaar ah oo laga qabo xaaladaiisa Caafimaad” Ayuu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *