Hirshabeelle: Yaa Ku Tartamaya Kursiga Ugu Adag Doorashada Aqalka Sare?

Published: September 14, 2021

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas.

27 Musharax ayaa u taagan 8 kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle, waxaana Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ay dooran doonaan qaar kamid ah Musharaxiinta tartameysa.

Xildhibaanada ayaa shalay dhageystay khudbado ay u jeediyeen Musharaxiinta oo ay uga hadleen waxa ay qaban doonaan marka la doorto, waxaana doorashada ka dhaceysa Magaalada Jowhar ay tahay mid aada loogu loolami doono, maadaama kuraasta la furay.

Kursiga ugu adag ee doorashada maanta dhaceysa ayaa waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay, halka kurasiga kalena ay ku tartamayaan Senator Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle iyo Maxamuud Axmed Nuursan Tartsan oo ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka dhacay kulamo siyaasadeed oo Musharaxiinta la qaateen Xildhibaanada Hirshabeelle, iyadoona amniga Caasimadda Maamulka siweyn loo adkeeyay, gaar ahaan Xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *