Muqdisho: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Bar kantarool Ciidan

Published: September 14, 2021

Qarax ismiidaan ah oo inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay bar kantatool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qof isku soo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taala degmada Wadajir gaar ahaan inta u dhaxeysa bar kantarool u dhow xerada Xalane iyo Janaraal Gordan.

Sida ay wararku sheegayaan ilaa 10 ruux ayaa ku geeriyooday Qaraxa tiro intaasi kabadanna way ku dhaawacmeen.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa bilooyin kahor waxaa sidan oo kale qarax lagu weeraray dhalinyaro tababar loo qorayay kuwaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.

La soco Faahfaahin intaa kabadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *