Muqdisho: Raysal Wasaare Rooble Oo Cambaareeyey Qarax Lala Eegtay Maqaaxi

Published: September 14, 2021

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey Qaraxii argagixisadu ku beegsadeen maqaaxi shaaha lagu cabo oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Rooble oo war qoraal ah soo geliyey bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku cambaareeyey qaraxaasi lala eegtay goobta ay bulshada isugu timaado, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Al-shabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan.

Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.

Falkan bahalnimada ahi waxaa uu muujinayaa sida argagixisada Al-shabaab  ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *