Dr. Dufle Oo Mar Kale Ku Guuleystay Kursiga Aqalka Sare

Published: September 15, 2021

Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa markale ku guuleystay Senator ka tirsan Aqalka Sare kadib doorasho caawa ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kursiga uu ku guuleystay Dr. Dufle ayaa waxaa kula tartamay Raage Xasan Cusmaan iyo Ambassador Maxamuud Tarzan oo isugu wareegii koowaad ku haray kadib markii uu helay codad gaaraya 19 cod.

Ugu dambayn wareega labaad ee doorashada ayaa waxa kusoo baxay Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo helay 68 cod, halka musharaxii la tarmayey oo ah Raage Xasan uu isna helay 28 cod halka ay labo cod ka halowday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *