Hanti-dhowrka Soomaaliya Oo Midowga Yururb Uga Mahadceliyey Taageeradooda

Published: September 15, 2021

Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa maalintii shalay aheyd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay Wakiillo ka socday Midowga Yurub.

Kulanka dhexmaray Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud iyo Wakiilada ka socday Midowga Yurub ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dadaallada socda ee ku aaddan dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda iyo dowlad Wanaagga dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa taageerada farsamo ee Midowga Yurub uu siiyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay markasta la garab taagan yihiin Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka iyo dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *