Hirshabeelle: Seddex Kamid ah Kuraasta Aqalka Sare Oo La Doortay

Published: September 15, 2021

Seddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta dowlada goboleedka Hirshabeelle.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xuseen Caddow Daaci, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo DR. Xasan Caddeey.

Xildhibaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Muuse Suudi Yalaxow u doortay mar kale inuu maamulkaas ku matelo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna helay codad gaaraya 55 Cod.

Doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Maxamed Geedi Canjeex iyo Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Nuur Maxamed Canjeex ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare, isagoona ka guuleystay Dhega-Juun, wuxuuna helay codad gaaraya 70 Cod, halka Maxamed uu isna helay 27 Cod.

Sidoo kale Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa cod gacan taag ah ku kusoo baxday, ka dib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Yarow oo la tartameysay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *