RW Rooble Oo La Kulmay Wakiilka Midowga Yurub

Published: September 15, 2021

Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay wakiilka cusub ee midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Tina Intelmann.

Danjiraha iyo raysalwasaaraha ayaa ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale Raysalwasaare Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *